Gaaliyaam (ingiriis: Gallium) astaanta (Ga) waa curiye kimiko oo leh tiro atom sodon-iyo-kow ah.
Curiyahan oo ka mid ah guruubka 13aad waa bir daciif ah taas oo bir jilicsan, miisaan fudud, midabka naxaasta oo madoow xiga leh isla markaana ah adke kala jabi kara marka heerkulku hooseeyo.
Birta curiyahan Gaaliyaam oo laga helo qolofka dhulka ayaa mar kasta ka mid ah macdan ka sameeysan isku dhisyo kala duwan, sida iskudhiska gaaliyaam(III) oo ah macdan curiyaha Sinki ku jiro, iyo bauxite oo ku jirto curiyayaal badan.
Haddii gacanta lagu hayo wakhti fiican, curiyaha Gaaliyaam way dhalaali sababtoo ah barta dhalaalka curiyahan waa 29.76 °C (85.57 °F) oo kali ah. (SII AQRI)
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 8,113 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin