Xawaash, Xawaaji (Af Ingiriis : spice; Af Carabi : ar‎) waa midho, khudaar, xidido, caleemo iyo xubno kale oo dhirta ka mid ah taasi oo lagu darsado cuntada si ay dhadhan iyo caraf ugu sameeyso. Xawaashka waxaa laga sameeyaa geedo badan oo kala duwan, kuwaasi oo midhahooda iyo qeybaha kale la qalajiyey ka dibna la jajabiyey (burburiyey). Wadanka Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaalidu waxay aad u isticmaalaan xawaashka ka baxa wadanka iyo mid laga soo dhoofiyo wadano ka tirsan qaarada Aasiya, gaar ahaan Hindiya iyo Shiinaha.[1]

noocyo badan oo xawaash ridqan (shiidan) ah

Deegaano badan oo caalamka ah ayaa si toos ah u isticmaala xawaajka taasi oo lagu darsado cuntada bisil iyo tan ceeyriin.[2]

Qoraalo La Xidhiidha

wax ka badal



  1. Thomas Frédéric, Daoust Simon P., Raymond Michel, Can we understand modern humans without considering pathogens, Evolutionary Applications, volume 5, issue 4, 2012|pages 368–379]
  2. Meal times, Lynne Olver
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
  NODES
Note 1