Liiska Hayadaha Qaramada Midoobay
Wakiilada Khaaska (Af Ingiriis : Specialized agencies) sidoo kale loo yaqaano Hay'ad Khaas waa ururo wakiil iskeed isku maamusha kuwaasi oo hoostaga Qaramada Midoobay iyo midba kooxda ay ku xidhan tahay ee dhaqaale iyo saamiyad la wadaagto iyo shaqo intaba. Inta ugu badan hayadaha u adeega Qaramada Midoobay waxay si toos ah ama dadban u hoostegaa xafiiska Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay halkaasi oo ay warbixin siiyaan ama ka warqaataan Xoghayaha Guud ee Waaxda Iskuxidhka.[1] Wakiilada khaaska ah waxay iskugu jiraan kuwo ay abuurtey Qaramada Midoobay iyo kuwo ururo kale sameeyeen laakiin waxay dhamaan ku shaqeeyaan nidaamka Qaramada Midoobay kaasi oo saldhig u yahay Dastuurka Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan (2015) guud ahaan waxay Qaramada Midoobay leedahay 15 haayadood[2][3] khaas ah kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan ayagoo matalata Qaramada Midoobay.
Hadaba 15ka wakiil khaaska ahi waa kuwan:[4]
Ururka Cuntada iyo Dalaga (FAO)
wax ka badalUrurka Cuntada iyo Dalaga Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : Food and Agriculture Organization of the United Nations, loo soo gaabiyo: (FAO); Af Carabi : ar) waa wakiil khaaska ah Qaramada Midoobay kaasi oo hogaamiya dadaalka ka hortaga iyo cidhibtirka gaajada aduunka. Hayadani waxay si siman ugu adeegtaa wadanada horumaray iyo kuwa soo koraya, waxayna ka shaqeeysaa in si cadaalad ah umaduhu u qeeybsadaan kheyraadka isla markaana galaan heshiisyo loo dhan yahay. Intaas waxaa dheer, hayada Cuntada iyo Dalaga (beeraha) waxay wadano badan oo caalamka ah ka caawisaa (xag aqoon iyo talobixin) horumarinta beeraha, keymaha iyo kheyraadma kaluumaysiga si markaa shacabku u helaan cuntooyin nafaqo leh isla markaana amaan ah.
ICAO
wax ka badalUrurka Adeega Duulista Caalamiga (Af Ingiriis : International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah. Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca. Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta uguwayn kutaalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo iskudubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.
Liiska Dhamaan Hayadaha
wax ka badalWakiilada QM iyo Ururo La Xidhiidha
wax ka badalTiro | Astaan | Magaca | Loo soo gaabiyo | Xarun sare | La Aasaasay | Wadanada Xubnaha | Maabka iyo Tixraac | ||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
- | Ururka Qaramada Midoobay | QM, UN | Maraykanka, New York | 1945 | [1] | ||||
Wakiilada Khaaska | |||||||||
1 | Ururka Cuntada iyo Dalaga | FAO, UCD | Talyaaniga, Roma | 1945 | [2] Archived Maaj 8, 2011 // Wayback Machine | ||||
2 | Ururka Adeega Duulista Caalamiga | ICAO | Kanada, Montreal | 1947 | [3] | ||||
3 | Kharashka Horumarinta Beeraha Caalamka | IFAD | Talyaaniga, Rome | 1977 | [4] Archived Agoosto 3, 2013 // Wayback Machine | ||||
4 | Ururka Shaqaalaha Aduunka | ILO | Switzerland, Jeniifa | 1919 | [5] | ||||
5 | Ururka Badaha Aduunka | IMO, UBA | UK, London | 1959 | [6] Archived Luuliyo ama Luulyo 6, 2010 // Wayback Machine | ||||
6 | Ururka Sicirka Lacagta Caalamka | IMF | Maraykanka, Washington, D.C. | 1945 | [7] | ||||
7 | Midowga Isgaarsiinta Caalamiga | ITU | Switzerland, Jeniifa | 1865 | [8] | ||||
8 | Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka | UNESCO | Faransiiska, Baaris | 1946 | [9] Archived Luuliyo ama Luulyo 22, 2012 // Wayback Machine | ||||
9 | Machadka Cilmibaadhista Cadaada iyo Dabagalka Dambiyada | UNIDO | Usteeriya, Fiyenna | 1985 | [10] | ||||
10 | Midoowga Adeega Boostada Caalamka | UPU | Switzerland, Bern | 1874 | [11] Archived Maaj 21, 2019 // Wayback Machine | ||||
11 | Bankiga Aduunka | WBG | USA, Washington, D.C. | 1945 | [12] Archived Oktoobar 9, 2012 // Wayback Machine | ||||
12 | Ururka Caafimaadka Aduunka | WHO | Switzerland, Jeniifa | 1948 | [13] | ||||
13 | Ururka Goaanka Mulkiyada Aduunka | WIPO | Switzerland, Geneva | 1967 | [14] | ||||
14 | Ururka Saadaasha Hawada Aduunka | WMO | Switzerland, Geneva | 1950 | [15] | ||||
15 | Ururka Dalxiiska Dunida | UNWTO | Isbayn, Madrid | 1974 | [16] Archived Luuliyo ama Luulyo 15, 2007 // Wayback Machine | ||||
Ururo Kale La Xidhiidha | |||||||||
16 | Ururka Diyaarinta Mamnuucida Tijaabinta Nukliyeerka | CTBTO Prep Com | Usteriya, Vienna | 1996 | [17] | ||||
17 | Wakaalada Awooda Atomik Aduunka | IAEA | Austria, Vienna | 1957 | [18] | ||||
18 | Ururka Mamnuucida Hubka Kimiko | OPCW | Holland, Heeg | 1997 | [19] | ||||
19 | Ururka Ganacsiga Aduunka | WTO | Switzerland, Jeniifa | 1995 | [20] Archived Jannaayo 5, 2012 // Wayback Machine |
Qoraalo La Xidhiidha
wax ka badalLinkiyo La Xidhiidha
wax ka badalTixraac
wax ka badal- ↑ (PDF) http://www.un.org/aboutun/chart_en.pdf. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Template:Citeweb
- ↑ Eckart Klein: United Nations, Specialized Agencies, para.9. In: Max Planck Encyclopedia of Public International Law.
- ↑ UN structure and organization, Specialized Agencies